Amar kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo dhaqan galay

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa sheegay in xuduudaha Dalka ay xiranyihiin islamarkaana aysan jirin cid si rasmi ah ugu soo gudubta soohdimaha uu Dalku la leeyahay Wadamada dariska ah.

Agaasimaha Guud ee Hey’adda ayaa sheegay in ay dadaal xoog leh ay ku bixinayaan Ciidamada Xoogga, Maamul goboleedyada iyo Saraakiisha Hay’adda Socdaalku si loo xoojiyo xirnaanshaha Soohdimaha Dalka.

“Sidoo kale wadamada dariska ah ayaa iyagana nagala dhaxeysaa wadashaqeyn la xiriirta xirnaashaha Xuduudaha kuwaas oo ayaguna qeyb ka qaadanaya oo dhinacooda ka taxadaraya” ayuu raciyay Agaasime Koofi.

Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa sidoo kale xusay inay jiri karaan meelo ay si tahriib ah dadku uga soo gali karaan, balse Saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa si joogta ah ugu gaaf wareegaya meelahaas laga yaabo in ay kasoo gudbaan.

Dhinaca Badda mar wax laga weydiiyay ayuu Agaasimahu sheegay in kaliya ay soo gali karaan Maraakiibta xamuulka sida oo aan la ogoleen isu socodka dhanka badda ee dadyowga.

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo kamid ah Guddiga ka hortagga Cudurka Covid-19 ayaa kula dardaarmay umadda Soomaaliyeed inay ku dhaqmaan habraacyada iyo talooyinka ay bixinayaan Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adaha kale iyo sidoo kale inay joojiyaan Socdaalka ay dalka ku soo galayaan ugana baxayaan si loo badbaadiyo dadka, iyaguna uga nabad galaan cudurkaan Safmareenka ah ee COVID-19.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media