Amaanka Magaalada Adis-Ababa oo si weyn loo adkeeyay

Iyadoo ay weli socdaan dagaallo u dhaxeeya ciidamada Jabhadda Tigreega TPLF iyo ciidamada Itoobiya, ayaa la sheegayaa in Ciidamada Dowladda Itoobiya ay sameyeen dhaqdhaqaaqyo lagu adkeeynaayo Ammaanka magaalada Addisababa ee Caasimadda Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa fadhiisimo cusub ka sameeystay degaanno aan ka fogeen Caasimadda si looga hortago weerarro kaga yimaado maleeshiyaadka falaagada ah ee TPLF.

Jabhadda TPLF,  ayaa  isbahaysi la samaysatay kooxo kale oo ay ka mid yihiin Jabhadda Xoraynta Oromada iyo maleeshiyaad kale oo ka dagaalama deegaano ku xeeran magaalada Addis Ababa.

Jabhadda Tigray-ga ayaa Todobaadkan ku dhawaaqday inay gacanta ku dhigeen deegaanka Shewa Rubet oo 220-km dhanka waqooyi-bari kaga beegan magaalada Addisababa, taas oo dowladdu aanay wali ka hadlin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor