Alshabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Baraawe

Wararka idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa tilmaamaya in Alshabaab ay weerar qaraxyo loo adeegsaday ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin halkaasi.

Qaraxyada lagu weeraray saldhiga viidmada AMISOM ee degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Dadka deegaanka oo la gadlay idacada dalsan ayaa sheegay in ay maqleen jug culus oo ay tilmaameen ay aheyd laba qarax oo lagu weerary saldhiga ciidamada ugandha

Alshabaab oo war kasoo saaray waxa ay sheegeen in ay khasaaro gaarsiiyeen ciidamada AMIOM ee ku sugnaa saldhiga ay ku leeyihiin magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose.