Al-shabaab oo xukun dil toogasho ah ka fuliyay Sh/Dhexe

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa fagaaro ku yaalla Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay ku toogteen Nin ay ku eedeeyeen inuu Sirdoon u ahaa dowladda Mareykanka.

Yaasiin Maxamuud Cumar ayaa lagu magacaabi jiray Ninka xukunka dilka toogashada ahaa ee Al-shabaab ku fulisay, waxaana xukuntay Maxkamadda Al-shabaab, isagoona la sheegay inuu qirtay inuu Sirdoon u ahaa Mareykanka.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay u sheegeen in Yaasiin Maxamuud uu soo qaatay qandaraas ah in uu keeno macluumo dhammeystiran oo lagu dili karo xubno ka tirsan Al-shabaabka ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Al-shabaab ayaa marar badan xukuno dil ah ku fulisay dad ay ku eedeeyeen in ay la shaqeenayeen dowlada federaalka iyo kuwo lagu eedeeyay inay Sirdoon u ahaayeen dowlado shisheeye.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media