Al-Shabaab oo Xukun dil ah ka fuliyay Gobolka Galgaduud

Fagaare ku yaalla degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa Maanta Xukun dil ah lagu fuliyay Nin ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in horay uu ruux kale ugu  dilay qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud.

Maxkamada Al-Shabaab oo xukunkaan fulisay ayaa Saciid Maxamed Faarax oo ah Ninka Maanta la toogtay waxa ay ku eedeysay inuu dilay nin xoola dhaqata ah oo lagu magacaabi jiray Cilmi Max’med Sugulle oo aad looga yaqaanay Gobolka Galgaduud.

Goobta uu ka dhacayay xukunka dilka ah ayaa waxaa ku sugnaa Ehelada Ninka la dilay iyo kan Maanta la toogtay kuwaas oo sida la sheegay isku raaceen  in la sameeyo fal qisaas ah sida ay shaacisay Maxkamada Al-Shabaab,iyadoona sidoo kale ay Goobta ku sugnaayeen Boqolaal kamid ah dadka ku nool Magaalada Galhareeri oo daawanayay qabka uu u dahcay xukunka dilka ah.

Dhanka kale Maxkamada Al-Shabaab ayaa xukun ku riday Ubax Xassan Muuse oo 17 sano jir ah iyo Abshir Maxamed Cumar oo 20 jir  kuwas oo ay ku eedeysay in ay ku dhaqaaqeen fal Galmood Sharcidaro ah ,waxana lagu xukumay midkiiba 100 jeeydal wallow Ubax Xassan Muuse aan xukunkas lagu fulin iyadoo la sheegay in xiligaan ay leedahay uur Lix Bilood ah.

Waxaana sidoo kale Maxkamada Al-Shabaab ay go’aamisay in labadaasi dhalinyarada ah guud ahaan laga musaafuriyay halkii ay ku noolaayeen ee ah degmada Galhareeri

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media