Al-shabaab oo xalay weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Nabadsugida Maamulka Jubbaland iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa uu xalay saqdii dhexe ka dhacay gudaha degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Dagalkaas ayaa ka yimid, ka gadaal markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Nabadsugida Maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin degmada Dhoobleey, waxaana halkaas ka dhacay dagaal daqiiqado socday.

Dadka degaanka qaarkood ayaa waxaa ay kusoo warrameen in rasaas xoog leh laga maqlay aaga Saldhiga Ciidanka Nabadsugida, wallow markii dambe dagaalkaas uu istaagay, xaaladda degmadana ay si caadi ah kusoo laabatay.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dagaalkii dhacay uu ka dhashay khasaaro, in kastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ee jira, mana jiro wax hadal oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Jubbaland.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarkii xalay dhacay ay ku dileen Askar ka tirsan Ciidanka Nabadsugida Jubbaland, isla markaana dagaalka ay ku qabsadeen saanado hub ah.

Al-shabaab ayaa marar kala duwan sidaan oo kale waxaa ay weeraro geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ugu qaadeen Saldhigyo Ciidanka Maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor