Al-Shabaab oo weeraray Saldhig ay Ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin Gobolka Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Hoiwgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Wararka ina soo gaaraya ayaa tilmaamaya in Ciidanka la wareeray ay yihiin Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Howgalka Midowga Afrika.

Al-Shabaab ayaa weerarka ku qaaday Saldhig ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow oo hoostaga degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana dhacay dagaal Xooggan.

Dadka degaanka ayaa soo sheegay in ay maqlayeen jugta iyo dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanyeen.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay dagaalkaasi, sidoo kale ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac ee dagaalamay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor