Al-shabaab oo Weerar Madaafiic ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Puntland

Wararka aan ka helayno degaanka Af-urur ee duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Saldhig Ciidanka Puntland ay ku leeyihiin hakaas saakay lagu qaaday weerar loo adeegsaday Madaafiic xoogan.

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa waaberigii hore ee saakay weerar Madaafiic ah ku qaaday Saldhig Ciidanka daraawiishta Puntland ku leeyihiin degaanka Af-urur, waxaana la sheegay in tirro hoobiyeyaal ku dhaceen agagaarka Saldhiga.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa ku warramay inay maqleen jugta tirro hoobiyeyaal ah,  balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay Madaafiicdaas, halka dhanka Ciidanka Puntland ay Jawaabin ka bixiyeen Madaafiicda lagu weeraray.

Wararka ayaa intaas waxa ay kusii darayaan in dagaal kooban uu dhexmaray ragga ka tirsan Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday Saldhiga ku yaalla degaanka Af-urur ee duleedka Magaalada Boosaaso iyo Ciidanka Puntland ee halkaas ku sugan.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka Madaafiicda iyo dagaalka kooban ee dhacay, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee Af-urur laga helayo ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid degan, kadib weerarkii saaka dhacay.

Al-shabaab iyo Daacish ayaa weeraro isugu jiray qaraxyo iyo kuwo toos ah ku qaaday Saldhiyo Ciidamada dowlad Goboleedka Puntland ay ku leeyigiin degaano ka tirsan  Gobolka Bari gaar ahaan dhulka buulareyda iyo meelo kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor