Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Kenya

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda Kenya ay ku leeyihiin deegaan ku yaalla duleedka Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Barri ee dalkaas.

Weerarka lagu qaaday Saldhiga Ciidanka Kenya ayaa ku yaalla deegaanka Faafi ee duleedka Gaarisa, waxaana intaas kadib la sheegay inuu dhacay dagaal kooban oo u dhexeeyay Kenya iyo Al-shabaab.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shaabab ayaa waxaa ku sheegeen in weerarka uu ahaa mid xoogan, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo la gaarsiiyay Ciidanka Kenya.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in diyaarad dagaal oo ay leedahay dowladda Kenya ay ku degtay deegaanka Faafi, isla markaana halkaas ay ka daabushay dhaawacyo soo gaaray Ciidanka Booliska.

Shabaab ma shaacin Khasaaraha ka dhashay weerarkii ay ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Kenya ee deegaanka Faafi, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladdaas oo ay uga hadlayaan weerarkii dhacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media