Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo

Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu ka dhacay dagaal muddo kooban socday oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab.

Dad ayaa soo weriyay in dagaalkaas dhacay uu yimid, ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degmada Luuq ee Gobolkaas, sidaasina uu dagaalka ku dhacay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka ayaa sheegay in Ciidanka ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Shabaabka, in kastoo aysan faah faahin intaas ka badan ka bixi dagaalkii dhacay ee rasaasta la is-dhaafsaday laga maqlay halkaas.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday Saldhiga Ciidanka dowladda ee degmada Luuq ee Gobolka Gedo, waxaana dagaalka kadib si caadi ah markaas ku soo noqotay xaaladda Saldhiga.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo degmada Luuq ee Gedo ayaa waxaa ay ku warramayaan in Ciidanka dowladda ay wadaan howlgalo kala duwan oo lagu xaqiijinayo amniga degmadaas.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan ku qaaday Saldhigyo Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaano ka tirsan  Gobolka Gedo, kuwaasi oo qaarkood geystay khasaaro kala duwan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor