Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar loo adeegsaday madaafiic oo sadqii dhexe ee xalay lagu qaaday Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa la sheegay in weerarkaas ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin gudaha Garoonka diyaaradaha.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in xalay ay maqlayeen dhawaqa madaafiic Culus oo ku dhaceysa agagaarka Garoonka Dhuusamareeb, waxaana tirada madaafiicda la maqlay lagu sheegay ku dhawaad 7 madfac oo qaarkood ku dhacay gudaha garoonka.

Sidoo kale Ciidanka AMISOM ayaa Jawaab ka bixiyay madaafiicda lagu weeraray, waxaana kuwa ay tuureen Ciidamada qaar kamid ah ay ku dhaceen waddo ku dhow garoonka, iyadoo intaas kadib rasaas goos goos ah la maqlayay.

Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay Al-shabaab ay ku qaadeen Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay AMISOM iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda oo ku aadan weerarka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media