Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo

Wararka aan ka heleyno Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan ka tirsan Gobolkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidano ka tirsan kuwa Kenya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaaday Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Kulbiyoow ee dhaca xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay maqlayeen jugta rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka Kenya iyo Al-shabaab, in kastoo aysan xaqiijin karin Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaakii ka dhacay deegaanka  Kulbiyoow, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Dowladda oo ku aadan weerarka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media