Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Milateriga dowladda Kenya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan kala qeybiya Gobolada Lamu iyo Jubbada Hoose.

Dagaalkan ayaa markii hore waxaa uu ka bilowday, weerar xubno ka tirsan Al-shabaab ay dhowr jiho uga qaadeen Saldhig Ciidanka Milateriga Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Shangaani, waxaana dagaalkaas uu socday muddo ku dhow saacad.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga ay ku sugnaayeen Ciidanka Kenya, wallow wararka qaarkood ay sheegayaan inuu jiro khasaaro, balse aan la xaqiijin inta uu la egyahay.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaan weli ka hadlay weerarka lagu qaaday Ciidankooda ee Saldhiga ku leh degaanka Shangaani ee kala qeybiya Gobolada Lamu iyo Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Si kastaba Al-shabaab ayaa marar kala duwan weeraro isugu jiray mid toos ah iyo qaraxyo ah intaba ku qaaday Ciidanka Kenya ee ku sugan degaano ka tirsan Gobolada dalka, waxaana inta badan weerarada ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor