Al-Shabaab oo weerar ku qaaday degaan ka tirsan Gobolka Bari

Wararka aan ka helayno deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ayaa ku warramaya in halkaasi saaka ay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen, waxaana soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dagaalkaasi.

Dadka degaanka oo aynu la hadalnay ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta oo ay labada dhinac isku adeegsanayeen.

Degaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa difaaca Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana la sheegay in sidoo kale ay isla goobta gaareen Ciidamo kale oo gurmad ah, kuwaasi oo garab siinayay Ciidankii horay Al-shabaab ugala dagaalamaya degaankaasi.

Wali Saraakiisha ammaanka Dowlad Goboleedka Puntland wax war ah kama soo saarin dagaalkasi, sidoo akle lama sheegin khasaaraha rasmiga ah ee rasmiga, waxaana adag in la ogaado khasaraha sida ay inoo sheegeen dadka degaanku.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor