Al-shabaab oo weerar ku qaaday Ciidamo waday howlgal Miino baaris ah

Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu ka dhacay Buuraleyda Gobolka Bari, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Ciidanka daraawiishta Puntland oo howlgal miino baaris ah ka waday inta u dhexeeysa Sugurre iyo Ballikhadar ee Buuraleyda Gobolka Bari.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dagaalkaas dhacay oo dadka deegaanka ay sheegeen in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil kamid ah Ciidamada daraawiishta Puntland ayaa laga soo xigtay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab, xili ay wadeen howlgal, isla markaana Shabaabka weerarka soo qaaday ay khasaaro gaarsiiyeen, waa sida hadalka loo dhigay.

Al-shabaab iyo Ciidamada daraawiishta Maamulka Puntland ayaa horey waxaa ay dagaalo geystay khasaaro ugu dhexmareen deegaano ka tirsan Buuraleyda Gobolka Bari, waxaana xusid mudan in dhowr jeer Ciidanka Puntland ay howlgalo qorsheysan ka fuliyeen halkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor