Al-shabaab oo weerar ku burburiyay Xarun ay leedahay Shirkad Isgaarsiin

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Barri ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu burburiyay Shirkad Isgaarsiin oo ay leedahay Shirkadda Safaricom.

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay inay burburiyeen Xarun ay leedahay Isgaarsiinta Shirkadda Safaricom, kadib markii halkaas weerar ku qaadeen, sida ay baahisay warbaahinta Kenya.

Qaar kamid ah shaqaalihii ku sugnaa Xarunta la weeraray ayaa tilmaamay in wax khasaaro nafeed ah uusan geystay weerarka, hayeeshee uu jiro mid hantiyadeed oo soo gaaray Shirkaddii la burburiyay.

Dhinaca kale Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Mandheera ee Kenya oo la hadlay warbaahinta Kenya ayaa u sheegay in shaqaalihii ku sugnaa Xarunta Safaricom ay isaga carareen goobta, uuna jiro khasaaro hantiyadeed.

Al-shabaab ayaa horey u burburiyay Xarumo Isgaarsiineyd oo ku yaalla deegaano hoostega Magaalada Madheera ee Gobolka Waqooyi Barrie e dalka, waxaana inta badan Xarumahaas lahaa Shirkadda Safaricom ee dalka Kenya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media