Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaaba ayaa waxaa uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ee Maamulkaas.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkan dhacay uu markii hore ka bilowday, ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Koonfur Galbeed ku leeyihiin Suuqa xoolaha degmada Diinsoor.
Dad ayaa soo weriyey inay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo labada dhinac ay isku dhaafsanayeen dagaalkaas inta uu socday, isla markaana waxaa la tilmaamay inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Al-shabaab oo ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay in Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka dileen laba Askari, halka tirro kalena ay dhaawacmeen, sida ay Shabaabka ku qoreen barahooda dhinaca Internet-ka.
Dhinaca kale ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed oo ay uga hadlayaan weerarkii Shabaabka ku qaadeen Saldhiga Ciidankaas ku leeyihiin Suuqa xoolaha Diinsoor iyo khasaaraha dagaalkii dhexmaray labada dhinac.