Al-Shabaab oo weerar Khasaaro gaystey  ku qaaday Waqooyi Bari Kenya

Warar kala dwuan ayaa kasoo baxaya weerar dagaalamaayasha Al-Shabaab ay ku qaadeen degaan hoostaga Magaaalada Mandheera ee Gobolk Waqoohi Bari Kenya, waxaana lahelayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan weerarkaasi.

Wararka ayaaa sheegaya in Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Banisa ee dhaca waqooyiga Mandheera, waxaana lasoo sheegayaa khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, waxaana sidoo kale ku dhaawacmat hal qof.

Dadka goobjoogayaal, ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen deegaanka Banisa ee dhaca waqooyiga Mandheera, kadib markii ay weerar kadis ah kusoo qaadeen degaankaasi.

Wararku waxaa ay intaa kud arayaan in dadka la dilay ay ku sugnaayeen guryahooda.

Weerarka kadib Ciidanka ammaanka ayaa gaaray halka wax ka dahceen, waxaana lasoo sheegayaa in ay wadaan howgallo ballaaran oo ay ku baadi goobayaan dagaalaamayashii weerarka soo qaaday, balse ilaaa iyo hadda laam shaacin cid gacanta lagu dhigay oo ka tirsan xubnihii weerarka qaaday.

Dagaalamaayasha Al-Shabaab ayaa inta badan waxaa ay weeraro qorsheysan iyo qaraxyo ka fuliyaan gudaha dalkaasi, gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari, halkaasi oo horay uga dhaceen weeraro khasaaro  badan dhaliyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor