Al-shabaab oo War kasoo saartay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Albaabka hore ee Iskuulka Macaasir oo ku yaalla meel ku dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxaas ka dhacay degmada Hodan, waxaana ku geeriyooday 8 Ruux, halka 17-kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu shaaciyey Taliska Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa jugtiisa laga maqlay degmooyinka Gobolka lala damacsanaa in lala beegsado kolonyo ay la socdeen Ilaaliya UN-ka oo wadada maraayay.

Dhinaca kale Al-shabaab oo ka hadashay qaraxa Is-miidaaminta ahaa ayaa sheegatay Mas’uuliyadiisa, iyagoona tilmaamay in qaraxaas ay la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Saraakiil caddaan tababarayaal Melleteri ah.

Qoraal Al-shabaab barahooda qadka ku faafiyeen ayaa waxaa ay ku sheegeen in gaariga laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday qof uu bartilmaameedsaday gaadiid gelbinayay Saraakiil Caddaan ah oo kasoo baxay Xerada Tababarka Jeneraal Goordon.

20-kii bishaan November 2021 ayey aheyd markii qarax Is-miidaamin ah uu ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Agaasimeyaasha Radio Muqdisho iyo kan Telefashinka Qaranka, waxaana qaraxaas ku naf-waayay Agaasimihii Radio Muqdisho Marxuum Cabdicaiis Afrika, halka uu ku dhaawacmay Sharmaake Warsame Maxamed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor