HomeWararAl-shabaab oo War kasoo saartay Qaraxii Is-miidaaminta ee Maanta ka dhacay Muqdisho

Al-shabaab oo War kasoo saartay Qaraxii Is-miidaaminta ee Maanta ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Is-miidaamin ah oo Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore ee Xerada tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee Janaraal Dhaga-badan ee Nacnaca ee ku taalla degmada Wadajir. Qaraxa oo uu qof isku xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu beegsaday oo uu isku dhex qarxiyey dhallinyaro farabadan oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Is-miidaamin ah oo Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore ee Xerada tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee Janaraal Dhaga-badan ee Nacnaca ee ku taalla degmada Wadajir.

Qaraxa oo uu qof isku xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu beegsaday oo uu isku dhex qarxiyey dhallinyaro farabadan oo dooneysay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga dalka, kuwaasi oo saf ugu jiray diiwaan-gelin la sheegay in loo sameeynayey.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa Is-miidaaminta ahaa, waxaana ku dhintay in ka badan 10 ruux oo u badnaa dhallinyaradii la qorayay, halka 6 qof kalena ay ku dhaawacmeen, dhaaawacyada ayaa la geeyay Isbitaalo ku yaalla Muqdisho.

Laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxii ka dhacay Muqdisho, dhanka kale Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada qaraxii ka dhacay Xerada Jeneraal Dhaga-badan.

Al-shabaab ayaa sheegatay inay qaraxa ku dishay 32 kamid ah raggii loo qorayay inay ku biiraan Ciidanka dowladda, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 kale, waa sida ay hadalka u dhigeen Al-shabaab.

- Advertisement -

Weerarkaan ayaa qayb ka noqonayo weeraro horey uga dhacay Muqdisho,  wuxuuna dhanka kale kusoo aadayaa, xilli ciidanka dowlada Soomaaliya oo kaashaneynaya Macawiisleyda ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts