Al-shabaab oo War kasoo saartay dilkii Guddoomiye Shariif Jiis

Rag hubeysan ayaa xalay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa  ay ku toogteen Guddoomiyihii Ururka dadka baariyaha gaarka ah qaba ee Koonfur Galbeed Shariif Mukhtaar Jiis.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha  dhinaca Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarka lagu dilay Guddoomiye Shariif Jiis oo la toogtay xili uu ku sugnaa gurigii uu ka deganaa gudaha Baydhabo.

Al-shabaab ayaa sheegtay in Marxuum Shariif uu ahaa Sarkaal ka tirsan hay’adda Dambi baarista CID-da dowladda, isla markaana laamaha ammaanka dowladda Federaalka uu la shaqeynayay muddo ka badan 10 sanadood.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay uga hadlayaan dilkii xalay loo geystay Guddoomiye Shariif Mukhtaar.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media