Al-shabaab oo War kasoo saartay dilka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow ayaa xalay koox ku hubeysneyd Bastoolado waxaa ay ku dileen xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, xili uu kusoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaadii cishaha.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Cabdiraxmaan Ibraahim ay toogasho ku dileen rag dhalinyaro oo watay Bastoolado, kuwaasi oo markii dambe goobta ka baxsaday, waxaana durbo goobta uu falku ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda.

Al-shabaab oo warar ay ku qoreen barahooda qadka Internet-ka ayaa waxaa ay sheegteen mas’uuliyada weerarka lagu dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow oo lagu khaarijiyey Magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa muddooyinkii u dambeysay daganaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, kadib markii uu kasoo guuray Magaalada Baladweyne oo uu deganaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii dambe kusoo badatay falalka amni darro, waxaana maalmo kahor gudaha degmada Yaaqshiid lagu dilay Nabaddoon caan  ahaa, sidoo kalena Caasimadda ay ka dhacayeen qaraxyo khasaaro kala duwan dhaliyey…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor