Al-shabaab oo War ka shaacisay Qarax saaka lala eegtay Ciidano ka tirsan DANAB

Qaraxaan oo ahaa miino ayaa waxaa gaari nooca Soomaalida u taqaano Cabdi Bile oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa DANAB ee dowladda Federaalka lagula beegsaday degaan u dhow Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Qaraxa miinada ah ayaa waxaa uu Ciidanka DANAB ku qabsaday, xilli ay socdaal ku marayeen wadada laamiga ee xiriirisa degaanka Ceel-dheere iyo Magaalada Dhuusamareeb, waxaana qaraxaas ka dhashay isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

A-shabaab oo ka hadashay qaraxa lala eegtay Ciidamada dowladda Federaalka ayaa waxaa ay sheegteen inay ku dileen qaraxaas dhacay ugu yaraan 9 Askari oo kamid ah Ciidankaas, halka ay dhaawacyo soo gaareen Saddex Askari oo saarnaa gaariga.

Sidoo kale Shabaabka ayaa intaas kusii daray in Ciidanka la qarxiyey ay kusii jeedeen degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, iyaga oo xlligaas kasoo ambabaxay Magaalada Gaalkacyo, wuxuuna qaraxaas ku qabsaday Ceel-dheere oo u dhow Dhuusamareeb.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan qaraxaas khasaaraha dhaliyey ee saakay ka dhacay Gobolka Galgaduud oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa marar duwan waxaa ay degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ay qaraxyo miino geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac kula eegteen kolonyo ay wateen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug oo dagaal ku jira Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor