Al-Shabaab oo sheegtay in Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda ay Muqdisho ku dileen

Dagaalamaayasha AL-Shabaaba ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Soomaaliya, waxaana ay intaa ku dareen in Barqanimadii maanta uu dilku ka dhacay degmada Wartanadda ee Gobolkani Banaadir, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Warar lagu faafiyay Baraha Internet-ka ee ku hadla Afka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Sarkaal Seddex Xiddigle ah ah ay ku dileen Degmada Wartanadda gaar ahaa aga-gaarka Isbertiibada ee Garoonka Stadium Muqdisho.

Sarkaalka ay sheegteen in ay dileen waxaa ay magaciisa kusoo koobeen Cali OK, balse ma jirto cid Al-Shabaab ka madax bannaan oo ilaa iyo hadda caddeysay dilkaasi.

Dilka mas’uulka ayay sheegeen in ay fuliyeen xubno ka tirsan Shabaab oo hubaysan.

Dhanka laamaha ammaanka ee Gobolkani Banaadir ma jiro wax war ah oo kasoo baxay oo ay kaga hadleen dilkaasi Al-Shabaab ay sheegteen in ay Muqdisho ka gaysteen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor