Al-shabaab oo sheegtay in Qarax Is-miidaamin ah la beegsatay Ciidamo

Al-shabaab ayaa sheegtay in gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ay la eegteen Ciidamo Caddaan ah iyo kuwo Soomaali ah oo ku sugnaa deegaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal lagu faafiyay baraha Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in qarax Is-miidaamin ah la beegsadeen Ciidamo Caddaan iyo kuwo Soomaali ah oo ka tirsan kuwa Mareykanka tababar, kuwaasi oo saakay gaaray deegaanka Tooratooroow.

Shabaabka ayaa tilmaamay in laba gaari oo ay lahaayeen Ciidanka lagu gubay weerarka ka dhacay Shabeellaha Hoose, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay weerarkaas, in kastoo faah faahin ka bixiyay.

Dhinaca kale War saacado kahor kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka DANAB ay howlgal qorsheysan saakay ka fuliyeen deegaanka Tooratooroow.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalka lagu gubay gaari laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa oo loo soo waday Magaalada Muqdisho, isla markaana laga hortegay oo Ciidanka ay fashiliyeen.

Si kastaba Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa horey uga dhacay weeraro iyo dagaalo dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab, waxaana weerarada qaarkood ka dhacay khasaaro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor