Al-shabaab oo sheegay inay isku dhiibeen Askar ka tirsan Maamul Goboleed

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa soo bandhigay Askar ay ku sheegeen inay ka soo goosteen Ciidanka Maamulka Jubbaland, kuwaasi oo ku sugnaa Saldhig Ciidan oo ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Intenet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in 5 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Jubbaland ay isku  dhiibeen, iyagoo hubkood watay laguna soo bandhigay deegaan ka tirsan Jubbada Hoose.

Sababta ay Ciidanka u soo goosteen ayay Al-shabaab ku sheegeen inay tahay, kadib markii dhibaatooyin kala kulmeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada lasoo Bandhigay ayaa ku sugnaa Saldhig Ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo kala ahaa

1-Maxamed Cali Bakar

2-Aadan Cismaan Cumar

3-Xuseen Ibraahim Xasan

4-Cusmaan Maxamed Cabdullaahi

5-C/qaadir Cumar.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan Askarta ay shabaab soo Bandhigeen , isla markaana ay ku sheegeen inay kasoo goosteen Maamulka Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media