Al-Shabaab oo sheegay in ay dagaal kula wareegeen degaan ka tirsan Gobolka Baay

Dagaalamaayasha Al-Shabaab ayaa sheegay in saaka aroornimadii hore ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka Magaalada baydhaba ee Xarunta ku meel gaarka u ah Maamul Goboleedka Soomaaliya.

Dagaalka oo sida ay sheegeen dhacay arroornimadii hore ee Saaka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 25Km ujira magaalada Baydhabo.

Warar lagu faafiyay Baraha Internet-ka ee ku hadla afka dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 25Km ujira magaalada Baydhabo.

Dhanka Saraakiisha Ciidanka Dowladda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay oo ay kaga hadlayaan dagaalkaasi la sheegay inuu ka dhacay Daynuunaay, sidoo kale ma jiraan ilo ka madax-bannaan warbaahinta Al-Shabaab oo xaqiijinaya dagaalkaasi iyo la wareegista degaankaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor