Al-shabaab oo shaacisay Tirada xubnaha looga dilay Dagaalkii ka dhacay degaanka Baxdo

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal xooggan oo arroornimadii hore ee saaka ka dhacay deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo dhexmaray Ciidamo daacad u ah Ahlusunna iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo is abaabulay.

Dagaalka ayaa waxaa kahor dhacay sida wararka la helayo ay sheegayaan weerar ku bilowday qaraxyo oo Al-shabaab ku qaadeen Baxdo oo ay ku sugan yihiin Culimo daacad ah Ahlusunna iyo maleeshiyaad hubeysan oo dadka deegaanka ah.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa uga hadleen dagaalkii Baxdo, iyagoona sheegay in markii laga baxay salaadii subax ee saaka weerar ku qaadeen Saldhig ciidanka Maamulka Galmudug ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Shabaabka ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen uga hortagayeen weerar iyaga ka dhan ah oo laga abaabulayay deegaanka Baxdo, waa sida hadalka u dhigeen, waxay intaas kusii dareen inay dagaalka ku dileen 27 maleeshiyaad laga abaaulayay deegaanka.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka looga dilay 9 xubnood, kuwaasi oo  meydadkooda lagu soo bandhigay gudaha deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud, sida lagu arkayay Sawirro uu baraha Bulshada ku faafiyey Maamulka.

Warar madax banaan oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkii saaka dhacay Shabaab looga dilay in ka badan 15 dagaale, halka Ciidanka daacada u ahaa Ahlusunna laga dilay 5 ruux, sidoo kalena laga dhaawacay in ka badan 10 ruux.

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo horey weeraro ku qaaday Baxdo oo ah deegaan hoostega Magaalada Cadaado, waxaana joogo ciidamo daacad u ah culimo halkaas ku leh madaaris waaweyn oo lagu barto diinta Islaamka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor