Al-shabaab oo saaka weerar ku bilowday Qaraxyo ku qaaday deegaanka Basra

Wararka aan ka heleyno deegaanka Basra ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Sahbeellaha Dhexe ayaa sheegaya in weerar ku bilowday qaraxyo ay saaka Al-shabaab ku qaaday degaankaas oo dhawaan ay la wareegeen Ciidanka Booliska Haramcad.

Weerarka qaraxyada kadib ayaa waxaa dhacay dagaal xooggan oo weli socda, kaasi oo u dhexeeya Ciidanka Booliska dowladda ee Haramcad iyo Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka, isla markaana waxaa la isku adeegsanayaan hubka culus.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka oo dhinacyada kala gaaray, waxaana la sheegayaa in dadka waxyeelada soo gaartay uu ku jiro Taliyaha Nabadsugida degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Xasan Fanax iyo Askar kale.

Saraakiisha dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin weerarka ku bilowday qaraxyada ee saaka Al-shabaab ku qaaday deegaanka Basra ee aaga degmada Balcad, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen Ciidanka Booliska Haramcad iyo kuwa Nabadsugida.

Jimcihii lasoo dhaafay ayey aheyd markii qarax ka dhacay degaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan Qaroole. Ciidanka dowladda ayaa dhowr jeer sheegay inay la wareegeen deegaankaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor