Faah faahin: Al-shabaab oo Qarax ku dishay In ka badan 10 Askari oo Itoobiyaan ah

Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa barqanimadii Maanta waxaa wadada xiriirisa deegaannada Feerfeer iyo Kalabeyr oo ka tirsan Gobolka Hiiraan lagula beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Gaari nooca Soomaalida u tqaano Uuraal oo ay saarnaayeen Ciidanka Itoobiya ayaa waxaa uu qaraxaas miinada qabsaday, xili Ciidanka ay socdaal ku marayeen wadada isku xirta Kalabeyr iyo Feerfeer ee Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo soo gaaray Ciidamada lala eegtay, waxaana la sheegay inay ku dhinteen in ka badan 10 Askari oo Itoobiyaan ah, halka kuwo kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen inay qaraxa lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka ahaa ay ku dileen 15 askari oo Itoobiyaan ah, isla markaana uu burburay gaariga Uuraalka ahaa ee la qarxiyey.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Itoobiya ee qeybta ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ay uga hadlayaan qaraxaas khasaaraha badan dhaliyey ee Maanta Ciidankooda lagula beegsaday Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor