Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku haynta Degmada Matabaan

Wararka ka imaanaya Degmada matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in Dagaalamayaasha Al-Shabaab aya la wareegeen Gacan ku haynta magaaladaasi.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay in Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen Saldhigga iyo Qaybaha kala duwan ee Magaalada, waxaana sidoo kale lasoo sheegayaa in Ciidamadii ku sugnaa ay isaga baxeen.

Dagaalamaayasha Al-shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafayw axaa ay la wareegeen degaanno iyo degmooyin hoos yimaada Matabaan, waxaana dhawaanahaan taagnayd cabsi xooggan oo dadka degaanku ay qabeen.

Ciidanka Hirshabeelle oo gacanta ku hayay Magaalada ayaa isaga baxay Magaalada, waxaana lag cabsi qabaa in degaanno hor leh ay kusii fidaan Al-Shabaab.

Maamulka Degmada Matabaan iyo Saraakiisha Ciidanka Dowladda eek u sugan Gobolkaasi wax war ah kama soo bixin.