Al-shabaab oo la wareegay deegaan ka tirsan G/Baay, kadib Dagaal culus oo dhacay

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Deynuunay ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii halkaas uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaanka Deynuunay ay isaga baxeen ciidamadii dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ee joogay deegaanka, waxaana durbadii qabsaday Al-shabaab oo dagaal kula wareegtay.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, ka gadaal markii Shabaabka weerar xooggan kusoo qaaday deegaanka, isla markaana dagaalkaasi uu ahaa mid xooggan keenay in ciidamada dowladda dib u gurasho ka sameeyaan Deynuunay ee Gobolka Baay.

Saddex Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dagaalka, sidoo kalena ay jiraan Askar dhimatay, in kastoo si rasmi ah loo ogeyn tirada dhimashada, Al-shabaab dhankooda ayaa la tilmaamay inuu khasaaro soo gaaray.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Milateriga dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa qaybta 60-aad, ayaa weli ka hadlin dagaalkii cuslaa ee shalay Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmaray Deynuunay ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastaba ha’ahaatee, dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa dhowr jeer la wareegtay Deynuunay oo ay ugu dhaceen dagaalo, waxaana la sheegay in maalmihii ugu danbeeyay ay isku uruursanayeen duleedka deegaanka Deynuunay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor