Al-Shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay 5 ruux

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Fagaare kuyaal magaalada Bu’aale ee xarunta Jubbada dhexe waxaa ay ku toogteen illaa 5 ruux oo ay ku eedayeen in ay geystaan dilal iyo shirqoollo, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Dadka ay Al-Shabaab dileen ayaa waxaa ka mid ah Nin lagu magacaabi jiray Max’med Soomoow Ibraahim oo ku magac dheeraa Booroow, kaasi oo ay sheegeen in uu madax u ahaa Shanta ruux ee lagu qabtay Bu’aale laguna dilay.

Sidoo kale waxaa ka mid ah dadkaasi Al-Shabab Fagaaraha ku toogteen Max’med Cusmaan Maxamuud oo ku magac dheeraa Max’med Deeq oo 16 sana jir ahaa, Ismaaciil Saciid Kariib oo 49 sana jir ah,  Max’med Axmed Aadam oo ahaa 42 sana jir ahaa iyo C/qaadir Xasan Cali oo 22 sana jir ahaa, kuwaasi oo dhammaantood la toogtay, waxaana Al-Shabaab ay ku eedeeyeen shantaasi ruux in ay dilal gaysteen iyo in ay gaacn saar la lahaayeen Sirdoonka Dowladda federaalka Soomaaliya.

Fagaare ku yaalla Bu’aale ayaa lagu dilay shantaas nin, balse mid ka mida ahaa oo lagu magacaabi jiray Max’med Soomoow Ibraahim ayay  gowraceen Al-Shabaab

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor