HomeWararAl-shabaab oo Galabta la wareegay degaan hoostega Degmada Balcad ee Sh/Dhexe

Al-shabaab oo Galabta la wareegay degaan hoostega Degmada Balcad ee Sh/Dhexe

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Wararka aan ka heleyno deegaanka Haan-sheekh oo hoostega degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in Saldhig Ciidanka ATMIS ku lahaayeen deegaankaas ay isaga baxeen gelinkii dambe ee Maanta. Ciidamo ka tirsan ATMIS gaar ahaan kuwa Burundi ayaa ku sugnaa Saldhiga ay ku lahaayeen deegaanka Haan-sheekh, waxaana durbadii la wareegay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaanka Haan-sheekh oo hoostega degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in Saldhig Ciidanka ATMIS ku lahaayeen deegaankaas ay isaga baxeen gelinkii dambe ee Maanta.

Ciidamo ka tirsan ATMIS gaar ahaan kuwa Burundi ayaa ku sugnaa Saldhiga ay ku lahaayeen deegaanka Haan-sheekh, waxaana durbadii la wareegay Saldhiga iyo gacan ku heysta deegaankaas dagaalyahano hubeysan ka tirsan Al-shabaab.

- Advertisement -

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in Ciidamada ATMIS ay faarujiyeen Saldhiga ay lahaayeen, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay aadeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska ATMIS.

Al-shabaab ayaa dhawaan weerar xoogan oo dhaliyey khasaaro farabadan ku qaaday Saldhig Ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf, iyagoona sheegay inay weerarka ku dileen ku dhawaad 200 oo Askari oo ATMIS ah.

Dowladda Burundi oo ka hadashay weerarkii ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegtay in weerarkaas looga dilay 30 Askari, isla markaana dhaawacyo laga gaarsiiyay tobanaan kale oo Askari.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts