Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda

Taliska Ciidanka Milateriga qeybta 21-aad iyo kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Galmdug ayaa soo bandhigay Sarkaal ay sheegeen inuu kasoo goostay Al-shabaab, uuna iska soo dhiibay deegaan hoostega Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cali Ibraahim ayaa la tilmaamay inuu Al-shabaab u qaabilsanaa Caafimaadka Gobolka Galgaduud, isla markaana uu muddo dheer uu la shaqeynayay, kana howlgalgeli jiray deegaano ay Shabaab kaga sugan yihiin Galgaduud.

Taliska Ciidamada Gorgor ee Galmudug ayaa sheegay in Cali Ibraahim uu ku qanci waayay dhibaatada Al-shabaab ku heyso shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena uu go’aan ku gaaray inuu isaga soo tago, waa sida hadalka ay u dhigeen Taliska.

Sarkaalkan oo isku dhiibay Ciidamada dowladda iyo kuwa Gorgor ee Galmudug ayaa ka yimid Magaalada Ceelbuur, isla markaana waxaa uu saqdii dhexe ee xalay uu iska dhiibay deegaan hoostega Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Si kastaba Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa horey u soo bandhigay Saraakiil iyo xubno ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Al-shabaab oo isku soo dhiibay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor