AL-Shabaab iyo Ciidanka Dowladda oo ku degaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa  ku warramaya in Dagaal culus oo u dhaxeeya Alshabaab iyo Ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana kasoo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dagaalkaasi.

Dagaalka oo wali aan si toos ah u joogsan ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay deegaanka Bukure ee hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo weerarka qaadeen, iyagoo weerar ku ekeeyay fariisimo ay lahaayeen dagaalamayaasha AL-Shabaaab.

Sidoo kale warar soo baxaya dagaalkaasi eek u aaddan dagaalkaasi ayaa tibaaxaya in daalkaasi uu qayb ka yahay, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa durba lasoo warinaya sida dadka deegaanka warbaahinta u xaqiijiyeen.

Labada dhinac ayaa helaya gurmadyo kala duwan, oo gees waliba si gaar ah u soo gaaraya, waxaana Alshabaab uu gurmad badan uga yimid deegaanka Teedaan halka dhanka ciidamada dowladda iyane gurmad ka heleen degmada Matabaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor