Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Magaalada Baladweyne

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa saaka laga soo sheegaya Xaalad deganaasho oo caga badan ku taagneyn, kadib dagaallo qaraar oo shalay dhexmaray Ciidamo kalataabacsan maamulka iyo kuwo kale oo uu wato Nin lagu magacaabo Nuur dheere.

Ciidamo hubeysan ayaa magaaladu saaka u kala xiran tahay, waxaana lasoo sheegayaa in qayb ka mid ah magaalada ay ku sugan yihiin Ciidanka Nuur dheere, kuwaasi oo fariisin ka sameysaty Stadium Laqanyo oo dhaca duleedka bari ee Beledweyne.

Sidoo kale waxaa xaafadda Kooshin ee Beledweyne,waxaa ku sugan Ciidamo aad u farabadan oo uu hoggaaminayo Generaal Abuukar Xuud, kaasi oo sida lasoo sheegayo fariisimo ka samaystay xaaafadda uu kaga sugan yahay magaalada.

Kaasi oo maamulka gobolka Hiiraan ay ku eedeeyay in uu weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo u socday hawlgal ka dhan ah ururuka Al-Shabaab,inkastoo uu beeniyay arrintaasi kadib wareysi uu bixiyay.

Wararka aynu saaka helayno ayaa sidoo kale intaa ku daraya in Ciidamada dowladda oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte aysan ku sugnayn gudaha magaalada, waxaana ay ku suganyihiin deegaanka Qowlad oo qiyaastii 9-Km dhanka waqooyi ee Beledweyne.

Waxaa socda dadaallo lagu doonayo in lagu baajiyo colaaddaasi, waxaana Odayaasha dhaqanka ay bilaabeenwada waan waan ay ku dhax dhaxaadinayaan labada dhinac, si dagaal kale looga baaqsado waxa ayne Goobahooda ku buuqdeen labada dhanac.

Si waliba dadaalada Odayaaasha ayaa la soo sheegayaa in ay tahay talaabada ugu horreysa ee dagaalkaasi looga baaqsan karo, waxaana Haddii wada-hadalka odayaasha wadaan uu guul dareesto laga cabsi qabaa in mar kale uu magaalada Beledweyne ka dhaco dagaal sababi kara qasaare kala duwan.

Iyadoona horay dagaalkii qaraaraa ee halkasi ka dhacay uu khasaaro badan dhaliyay, waxaana dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray dad shacab ah iyo dhinac yadii dagaalamay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor