Akhriso:- Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Afisyooni

Waxaa maanta lafilayaa in shir uu u furmo Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo Beesha caalamka, kaasi oo la doonayo in la isugu soo dhawweyo Dowladda  federaalka iyo Maamul Goboledyada uu khilaafku kala kala dhexeyo.

Wararkii ugu dambeeyay waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu saaka subax hore tagay Teendhada Afisyooni, waxaana la sheegay in tagitaankkiisa Afisyooni uu saameyn ku yeelan karo shirka la filayo in saacdo kadib uu u furmo beesha Caalamka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka.

Farmaajo ayaa waxaa la sheegay in ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana ay sugayaan in Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa intaa ku daray in sababta uu saaka subaxa hore u tagay Afisyooni ay tahay inuu baajiyo kulanka ay maanta u balansan yihiin shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Shirka u dhexeeya maamul Goboleedyada dalka iyo Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka maqan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, walina ma aysan tagin Teendhada Afisyooni oo shirku ka socdo, waxaana socda dadallo ay waddo beesha Caalamku oo ay isugu soodhaweynayso Dowladda iyo labada mamaamul.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor