Akhriso:-Wararkii u dambeeyey maleeshiyo Beeleed ku dagaalamay G/Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya xadka gobolka Galgaduud uu la wadaago dalka itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saakay uu ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeeyey labada beelood oo halkaasi wada dega.

dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka dacdheer ee Gobolka Galgaduud,waxaana lagu soo waramayaa inuu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dhinacyada dagaalamay ayaa ka hore sidaan oo kale ay u wada dagaalameen balse ay ku baxeen Odayaal deegaanka ah,kuwaas oo ku guuleystay inay nabad kala dhex dhigaan balse haatan uu dib u soo laabtay.

Wararka kale ee aan Maanta ka heleyno gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ku waramayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug ay ku wajahan yihiin deegaanka dacdheer,iyaga oo doonaya inay kala dhex galaan maleeshiyaadka dagaalamaya.