Akhriso:-Wararkii u dambeeyey ee Caawa Rabshado dad ku dhinteen oo ka dhacay Magalada Ceelwaaq

Waxaa Caawa xaalad deganaansho ah laga dareemayaa Magalada Ceelwaaq ee degmada koonfureed Ismaamulka Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya halkaas oo ay ka dhaceyn rabshado sababay dhimashada hal ruux.

Rabshadaha ayaa bilaawday kadib markii dad ka careysay dilal Saddex ruux oo laba ka mid ah ay ahaayeen Walaalo loogu geystay Ceelwaaq.kadib markii dadkaasi ay weerareen Goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Booliska Kenya.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa waxa ay fureen rasaas,waxana rasaastaas Maanta ku geeriyooday qof ka mid ah dadka careysnaa ee booliska weerareen.

Arintaan ayaa waxay dhalisay in dad degaanka oo caro ka sii qaaday dilkaan ay iyagana dilaan laba ruux oo ah shaqaalaha ka Shaqeeyaha dhismaha guryaha.

Laamaha Ammaanka Kenya weli kama hadlin dhacdadaan iyo dhimashada dadkaan Soomaalida ah,iyada oo Caawa jawiga guud ee Magalada Ceelwaaq kenya ay tahay mid degan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor