Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee doorashada Koonfur Galbeed

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa siweyn looga dareemayaa doorashooyinka Maamulkaas iyo isbedeladii ka dhacay saacadihii la soo dhaafay.

Warar soo baxay ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka tanaasulayo u tartamida xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa garay Magalada Baydhabo,isaga oo Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed kulan Albaabada ay u xiran yihiin kula yeeshay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wariyeyaasha ka howlgalla Magalada Baydhabo ayaa looga yeeray Madaxtooyada,waxaana soo baxaya warar sheegaya in Shariifka uu ka tanaasulayo u tartamida xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Siweyn ayaa dadka Soomaaliyeed isha ugu hayaan isbedelaan ka dhacaya Koonfur Galbeed,iyada oo dad badan ay isweeydiinayaan waxa dhici kara hadii Shariif Xasan uu ka tanaasulo u tartaida xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor