Mudo saacado ah ayaa waxaa hakad ku jiray howlhii Shaqo iyo duulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho akdib markii Maqayad ku taalla Gudaha Garoonka uu dabka kacay.
Waxaa lagu guuleystay saacado kadib in dabkii Maqaayada CP lunch la damiyo,kaa soo aan geystan khasaaro nafeed marka laga reebo mid hantiyadeed ee uu sababay.
Waxaa dib u bilaawday howlihii Shaqo,waxan la fasaxay Shaqaalihii Garoonka oo saakay loo diiday inay Gudaha Garoonka galaan markii lagu guda jiray daminta dabka.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde eek u aadan damba ka kacay iyo hakadka Saacadaha qaatay ee Shaqooyinkii Garoonka wallow ay dib u bilaawday,isla markaana ay soo degtay Diyaarada Turkish Airlines oo laga leeyahay dalka Turkiga.
Qaar ka mid ah Shaqaalaha Garoonka ayaa Dalsan u sheegay in mudo laba Saacadood ah ay ku xayirnaayeen banaanka Garoonka balse ugu dameyn ay galeen Gudaha Shaqooyinkoodiina ay bilaawdeen.