Akhriso:-Waqtiga ay dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Guddiga FEIT oo la shaaciyay

Guddiga loo xil-saaray qabashada doorashada Guddoomiyaha doorashooyinka heer Federaal ayaa soo saaray Jadwalka doorashada, iyagoona shaaciyey xilliga ay dhaceyso doorashada Guddoomiyaha cusub ee Guddiga iyo ku-xigeenkiisa.

Qoraal ay soo saareen Guddiga qaban-qaabada doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in Musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Guddiga iyo ku-xigeenkiisa uu kamid yahay Guddigooda, waxaana Musharaxiinta tartamaya laga qaadi doonaa lacago diiwaan-gelin ah.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in Musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Guddiga laga rabo inuu bixiyo lacagta diiwaan-gelinta oo dhan 3 kun oo dollar, halka Musharaxiinta Guddoomiye ku-xigeenka la doonayo inay bixiyaan 2 kun oo dollar.

Doorashada Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo ku-xigeenkiisa ayaa dhaceysa 15-ka Bishaan Janaayo oo ku beegan maalinta sabtida ah ee socota, waxaana la qorsheeyay inay doorashada ka dhacdo Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Hoos ka Akhriso Jadwalka lasoo saaray ee Doorashada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor