Akhriso:-Ujeedka uu Madaxweynaha Galmudug u yimid Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Maanta waxaa soo gaaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno kale, waxaana xubnahaas ku jiray kuwo siweyn uga soo horjeeday Doorashiisa.

Intaas kadib Madaxweynaha Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu marka hore u mahadceliyay Xildhibaanada iyo Mas’uuliyiinta kale ee kusoo dhaweeysay Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay dib ugu soo laabashada Caasimadda dalka.

Waxaa uu sheegay Qoorqoor in Ujeedka uu u yimid Caasimadda dalka ay sidii uu kulamo kala duwan ula qaadan lahaa Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo kala hadli doona Arrimo kala oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Waa markii ugu horreysay oo uu Magaalada Muqdisho yimaado Madaxweynaha maamulka Galmdug Axmed Cabdi Kaariye tan iyo markii loo doortay Madaxtinimadda Galmdug, wuxuuna safarkiisa kusoo aaday, xili xil ka qaadis lagu sameeyay Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media