Maglada Nairobi ee dalka Kenya waxaa lagu wada in dhawaan ay shir ku qabsadaan Golaha Iskaashiga dowlada goboleedyada dalka iyo Beesha Caalamka,kaas oo ay uga hadlayaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka dowladda iyo dowlad Goboleedyada.
Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo koonfur Galbeed ayaa ku wada sugan Magalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya,kuwaas oo dhawaan gaaray.
In kastoo sirasmi ah aan loo shaacin ajandaha ay shirkooda uga hadlayaan ayaa hadana waxaa soo baxaya warar sheegayay in Guddoomiyaha Golaha iskaashiga Cabduweli Gaas uu u sheegay in uu jiro kulan ay garwadeen ka yihiin Beesha Caalamka iyo Urur Goboleedka IGAD.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan sheegay in marnaba dadka Soomaaliyeed aysan dhex dhexaadin doonin Ajnabi,isal markaana aayahooda ay iyaga ka tashan doonaan.