Akhriso:-Taliyaha Booliska Dowladda oo Magacaabay Mas’uul Cusub

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Magacaabay Afhayeenka Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xijaar ayaa waxaa Afhayeenka Ciidanka Booliska loogu magacaabay Dhame Sadiiq Adan Cali (Duudishe), kaasi Ciidanka ku biiray sanadkii 2007-dii.

Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa lagu xusay in Afhayeenka uu ku hadli karo luuqadaha English-ka , Taliyaani iyo Carabi marka laga reebo afka hooyo ee Soomaaliga.

Sarkaalka ayaa ka soo shaqeeyay guud ahaan fadhiyada Ciidanka, soona qabtay xiriiro dowlado Ciidanka taageera, isaga oo soo qabtay shaqooyin kala duwan, hadana xubin firfircoon u’ah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media