Akhriso:-Somaliland oo shaacisay tirada dad ay u xirtay Musuq-maasuq

Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inuu dad badan u xirxiray arrimo la xiriira Musuq-maasuq, kuwaasi oo qaarkood la horgeeyay Maxkamad, kadib markii lagu helay eedeeymo Musuq-maasuq.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Somaliland Axmed Yuusuf Dirir ayaa waxaa lagu sheegay in maamulka uu 19 qof u xiray Musuq-maasuq, isla markaana qaar kamid ah dadkaas la horgeeyay Maxkamad, lana xukumay.

Sidoo kale Qoraalka Hanti-dhowraha ayaa waxaa lagu sheegay in qaar kamid ah 19-ka qof ee xiran weli aan la horgeyn Maxkamad, hayeeshee la horgeyn doono, si sharciga loo marsiiyo, maadaama lagu helay arrimo la xiriira Musuq-maasuq.

Somaliland ayuu Hanti-dhowraha sheegay in sanadkaan 2020 ay qaaday tallaabo kasta oo looga hortegayo Musuq-maasuqa, ayna culeyska saareen horumatinta xeerarka iyo habraacyada maaliyadeed.

Ugu dambeyn Hanti-dhowraha guud ee Somaliland Axmed Yuusuf Dirir ayaa shacabka ugu baaqay in si wadajir ah looga wada-hadlo sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga arrimaha la xiriira Musuq-maasuqa oo xiliyada qaarkood la sameeyo.

Hoos ka Akhrsiso Qoraalka kasoo baxay Hanti-dhowraha Somaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media