Akhriso:-Somaliland oo ogolaatay isku socodka Koonfurta iyo deegaanadeeda  

Somaliland ayaa War Cusub kasoo saartay kulamo maalmihii lasoo dhaafay dalka Jabuuti ay ku yeesheen Guddiyada Farsamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in aan la siyaasadayn arrimaha horumarrada bin’adannimo iyo is-dhexgalka dadweyne ee dhinacyada dhaqanka, isboortiga, aqoonta iyo gamacsiga.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka iyo Somaliland ay ku heshiiyeen in la aas-aaso Guddi Hoosaad kale oo Farsamo oo diirada saari doona in si wada-jir ah loo maamulo arrinta hawada.

Ugu dambeyn labada dhinac ayaa isla gartay in la joogteeyo wada-hadalka iyo in lagu dhex shaqeeyo jadwal shaqo oo leh wakhti cayiman oo la isla ogol yahay si looga gaaro is-fahan wada-jir ah dhammaan arrimaha taagan.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Somaliland

Marka laga hadlayo gar-gaarka bini-aadamnimo iyo deeqaha dhinaca horumarka, labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen mabdi’iyan in aan la siyaasadayn arrintan, faah-faahinta arrintan waxa loo dhaafay Guddi Hoosaad Farsamo oo ka soo shaqaysa. Labada dhinac waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen in la aas-aaso Guddi Hoosaad kale oo Farsamo oo diirada saari doona in si wada-jir ah loo maamulo arrinta hawada.

Waxa intaas dheer, waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen in la yagleelo Guddi Hoosaadka Farsamo ee dhinaca amniga si ay uga xaalaan arrimaha la xiriira amniga. Dhammaan Guddi Hoosaadyadan Farsamo waxa ay muddo laba wiig ah gudihii ku kulmi doonaan Jabuuti si ay uga shaqeeyaan in hore loo socdo iyo fulinta qodobbadii lagu heshiiyey.

Labada dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyeen in aan la carqaladayn isku-socodka iyo xiriirka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xiriira dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Guddida Heer Wasiir ee Wada-hadalladu waxa ay dib ugu kulmi doonaan muddo 45 cisho gudaheed ah Jabuuti si ay dib-u-eegis ugu sameeyaan war-bixinaha Guddi Hoosaadyada iyo guud ahaan horumarka wada-hadallada.

Ugu dambayn, labada dhinac waxa ay hoosta ka xariiqeen in ay daruuri tahay in la joogteeyo wada-hadalka iyo in lagu dhex shaqeeyo jadwal shaqo oo leh wakhti cayiman oo la isla ogol yahay si looga gaadho is-fahan wada-jir ah dhammaan arrimaha taagan iyo arrimaha masiiriga ah ee ku saabsan xiriirka Somaliland iyo Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media