Akhriso:-Shaqaalaha Dowladda Somalia oo Amaro Cusub la dul-dhigay

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka duuleysa dib u eegidda lagu sameeyay xannibaadaha jira ee lagula tacaalayo faafidda cudurka COVID-19, isla markaana tixraacaysa go’aankii golaha wasiirrada ee Khamiis 2 Luulyo ee ku saabsanaa sidii si taxadar leh dib loogu soo laaban lahaa goobaha shaqada, ayaa waxaa la farayaa shaqaalaha dowladda iney dib uga soo howl galaan goobahooda shaqada laga billaabo 08 Luulyo 2020.

Si looga taxadarro faafida Caabuqa COVID-19 loona ilaaliyo dab-qabka iyo Caafimaadka goobaha Shaqada, waxaa la farayaa Madaxda Hay’adaha Dowladda Arrimahan soo socda;

1- U hoggaansanka farriimaha iyo tallooyinka ay bixinayaan saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka.

2- Dhowridda kala fogaanshaha ilaa 2 mitir, goobaha shaqadana leeyihiin meelo dhowr ah oo laga galo iyo kuwa laga baxo oo kala duwan, iyo qolalka waqtiga nasashada qaabkooda oo la waafajinayo hannaanka ka hortagga fayruska.

3- Nadaafadda oo xoogga la saaro, iyadoo si gaar ah loo nadiifinayo musqulaha iyo waxyaabaha inta badan la taabto sida albaabada iyo khaannadaha.

4- In Shaqaalaha lagu dhiirrigeliyo u soo lugeynta shaqada intii macquul ah, isla markaana iney ka taxadaraan gaadiid raacidda waqtiyada saxmadda darran jirto.

5- Shaqaalaha da’da ah (ka wayn 60 sanno) iyo kuwa xaaladda caafimaad darran qaba iney xilligan guryahooda ku gutaan waajibaadkooda shaqo.

6- Waa in loo dejiyaa shaqaalaha jadwal ku dhisan xilligaan Covid-19 oo qayb qayb maalmo dhaaf u shaqo gelayaan ama loo kala qeybiyaa kuwa shaqeeya Sabti ilaa Isniin, Talaado ilaa Khamiis.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media