Akhriso:-Shan Xisbi siyaasadeed oo War xasaasi ah kasoo saaray Xaaladda Galmudug

War-saxaafadeed ka soo baxay qaar kamid ah Xisbiyada siyaasadeed ee dalka jira ayaa waxaa looga hadlay War-murtiyeedkii kasoo baxay shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Xisbiyada kala ah Midowga Nabadda & Horumarka “UPD”, Wadajir Party, Ilays, Horusocod Qaran iyo Nabadda ayaa walaac xoogan ka muujiyay War-murtiyeedkii kasoo baxay shirka ee xalay lagu soo xiray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

Sidoo kale Xisbiyada ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay ka waantowdo tallaabooyinka ay ku doneyso inay afduubto Doorashooyinka Galmudug.

Ugu dambeyntii Warka ka soo baxay Xisbiyada  siyaasadeed ee dalka ayaa waxaa Madaxda Galmudug,Bulshada iyo Waxgaradka loogu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan waxkasto oo caqabad ku ah Galmudug.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Xisbiyada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media